Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maamulka SSC-Khaatumo oo arin cusub ka bilaabay Laascaanod

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanya canshuur qaadis ka bilaabay magaalada Laascaanod

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa kormeer Shaqo ku tagay Kastamada Caasimadda Laascaanood, halkaas oo markii 1aad laga bilaabay cashuur-qaaddida Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ka dhagaystay saraakiisha iyo hawl-wadeennada Kastamada, islamarkaana ku boorriyey shaqada culus ee ay u hayaan shacabkooda.

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiisha Cashuuraha kula dardaamay inay shacabka ugu adeegaan si hufnaan iyo ammaano leh. Isagoo dhanka kale sheegay in hannaanka Canshuuraha SSC-Khaatumo uu noqonayo mid daahfuran oo ka hufan musuq iyo maamul xumo.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay Shacab-weynaha SSC-Khaatumo  in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay, isagoona ballanqaaday in Cashuurtaas si saxa ah ay Shacabka dib ugu soo laaban doonto.

Related posts

DF iyo Culimada Soomaaliyed oo War ka soo saaray arrinta Masaajidada Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Itoobiya: “Cidii ka hortimaada heshiiskii badda waxaan u arkaynaa..”

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo si kulul u Weeraray dowlada Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---