Allbanaadir.com
NEWS

Nin Eriteriyan ah oo Xamaas ka bad baadiyay Sargaal Israa’iili ah oo la abaal mariyay

Maamulka Israa’iil ayaa ka farxiyay abaal-gud weyna siiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo qaxooti ahaan u joogay dalkaasi, kaddib markii uu bad baadiyay nolosha sargaal Israa’iili ah oo xaalad halis ah ku jiray.

Mulugeta Tsegai ayaa la sheegay in uu badbaadiyay nolosha sargaalka katirsanaa ciidamada Israa’iil, markii si xun loogu dhaawacay weerarkii kooxda Xamaas ay ku qaaday magaalada Sderot ee Israa’iil.

Ninkan qaxootiga ahaa ayaa hadda abaal-marin looga dhigay sharciga degenaanshaha Israa’iil, waxaana ninkan lagu ammaanay doorkii geesinnimada lahaa uu qaatay kuna bad baadiyay nolosha sargaalka dhaawaca ahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil Moshe Arbel ayaa sheegay in degenaansho rasmi ah la siiyay ninkan Eriteriyaanka ah , taasi uu sheegay in uu ku muteystay bad baadinta nafta Kornaylka katirsanaa ciidamada Israa’iil.

Dhulka Israa’iil xoogga ku heesato waxaa qaxooti ahaan isaga dhiibay kuna sugan dad badan oo kasoo jeeda Qaarada Afrika, kuwaa oo u badan kuwa ka tagay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Khaatumo oo markii ugu horreysay lagu casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday Maxamed Cusmaan Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---