Qarax goor dhow ka dhacay Nairobi iyo Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka kenya kaasoo geystay Khasaare nafeed.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay meel u dhow Shineemada Odeon, Wadadda isgoyska Latema ee magaalada Nairobi.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen meydka qof dhintay iyo dhaawaca mid kale welina khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas lama oga.

Booliska Kenya oo goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay qalab waxyaabaha qaraxa lagu soo xiray oo goobtaasi la dhigay, iyadoo ay socdaan baaritaan lagu hayo qaraxa iyo cidda ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -