Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo safiir cusub u Magacaabay dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Kenya.

Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tagi doona Nairobi isagoo bedelaya danjire Max’uud Axmed Nuur Tarzan, Duqii hore ee Muqdisho oo dhameystay mudadii uu Somalia safiirka u ahaa.

Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, sidoo kale dowlada Somalia ayaa dhinaceeda sagootisay danjirihii Kenya u fadhiyey Muqdisho

Jabriil ayaa ka mid ah siyaasiyiinta dhowr mar iskusoo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna muddo badan ka soo shaqeeyey dalka Kenya.

 

Related posts

Madaxweyne Biixi oo qaabilay danjire Donald Yamamoto & xubno uu horkacayey (Sawirro)

Caydiid Ali

TPLF oo dib ula wareegtay magaalo ka mid ah kuwii dhowaan laga saaray

Caydiid Ali

Fiqi oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Golaha Amaanka QM

Caydiid Ali
Taboola Ads ---