Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

WHO oo war kulul ka soo saartay duqeyn loo geystay Isbitaal kale oo ku yaalla Gaza

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday isbitaalka Indonesia ee Gaza oo ay ku dhinteen 12 qof oo ay ku jiraan bukaanno.

Ciidamada Israel ayaa qirtay iney gantaal ku dhufteen Isbitaalka ka dib markii ay ku andacoodeen in rasaas looga riday gudaha Isbitaalka, hase ahatee Xamaas iyo maamulka Isbitaalka ayaa arrintaas beeniyey

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu yiri, “WHO waxay ka naxsan tahay weerar lagu qaaday Isbitaalka Indonesia ee Gaza.”

“Shaqaalaha caafimaadka iyo dadka rayidka ah waa inaaney waligood la kulmin argagaxa noocaan ah, gaar ahaan marka ay gudaha isbitaalka ku jiraan,” ayuu raaciyay.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah bukaano lagu daweynayo isbitaalka iyo xubin ka tirsan shaqaalaha caafimaadka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Israel ayaa cambaareyn caalami ah kala kulantay weerarada ay ku heyso Isbitaalada magaalada Gaza oo loo arko dambi dagaal oo ka dhan  ah bani aadamnimada.

Related posts

Mareykanka oo Shaaciyay in weerar qorsheesan ku dileen Osama al-Muhajer

Cabdi Cade

Tirada dadka u dhashay dalka Kenya oo la shaaciyay iyo Soomaalida oo gaareysa…

Cabdi Cade

Jen. Townsend: “Halista Al-Shabaab wey sii kordhaysay 12kii bilood ee la soo dhaafay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---