Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Gorgor oo howlgal ku dilay sargaal iyo xubno katirsan kooxda Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaan dhaca galbeedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor Dhamme Cali Cageey  ayaa sheegay in ciidanka  howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo katirsan Al Shabaab iyo sargaalkii hoggaaminayay.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka howlgalkan Al Shabaab uga furteen hub iyo saanad ciidan oo ay wateen, waxa uuna xusay in deegaanka howlgalka ka dhacay ay wali joogaan ciidanka kumaandooska Gorgor.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug ayaa halkaasi ka wada howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, howlgaladan ayaana marar badan Al Shabaab khasaarooyin kala duwan lagu gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Muqdisho oo ka faa’iideysaneysa hal arrin Doorashada Dhaceysa 2020/2021

Caydiid Ali

Shir muhiim ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo furmay

Cabdi Cade

Maxaa ka socda Qabuuraha Iskoolo Bulusiyo (Taarikh madow ayaa Qormeysa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---