Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Meydka haweeney Soomaali ah oo laga helay Hotel ku yaalla Turkiga

Haweeney 26-jir ah oo asal ahaan Soomaali ah balse heysata dhalashada UK ayaa lagu diley dalka Turkiga.

Ayaan Mohamed Dhoba ayaa maydkeeda laga helay hotel ku yaalla magaalada ee Istanbul maanta sida ay qoreen warbaahinta Turkiga, waxaana dilkeeda loo adeegsaday bir yar oo af fiiqan leh ama kashawiito.

Dilkan ayaa waxaa si weyn loogu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey Ahmed oo ah Ayaan ninkii qabay

Saraakiil ka tirsan qaybta dembi-baarista ee Booliiska Turkiga ayaa soo xiray Axmed, waxaana la arkayey iyagoo qadaan qadinaya.

Qoyskan ayaa la sheegay iney maalmo ka hor ka yimaadeen magaalada London, iyagoo dalxiis ahaan u joogay dalka Turkiga.

Lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa dilkan oo Soomaalida ku nool dalka Turkiga ay si weyn u hadal hayaan, Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Deni & James Swan oo ka wada hadlay xalinta khilaafka dowlada Somalia & Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Khubaro Ka Digtay In Maalin Walbo La Qubeysto iyo cudurada ka dhalan kara oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo indhahooda kusoo arkay Saameynta Roobkii Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---