Immisa jeer ayey 15 sano gudahood Gaza ku dagaalameen Xamaas iyo Israel?

Marinka Qaza ayaa marar badan la kulmay, weeraro iyo dagaallo ay Israa’iil ku qaaday dhulka xeebaha ah ee la go’doomiyay. Tan iyo 2007 markii go’doominta la saaray Israa’iil waxay qaaday lix dagaal: 2008, 2012, 2014, 2021, 2022 iyo 2023.

2008: Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday Gaza si ay u laayaan dagaalyahanada Xamaas. Taasi waxay keentay, weerar todobaadyo socday oo ay ku lug lahaayeen duqeyn cirka ah iyo duulaan dhulka ah. Ugu yaraan 1,000 Falastiiniyiin ah iyo 12 Israa’iiliyiin ah ayaa dhintay. Waxay sidoo kale burbur xooggan u geysatay guryaha, ganacsiyada iyo kaabayaasha korontada ee Gaza.

2012: Israel ayaa qaaday sideed maalmood oo duqeymo cirka ah waxayna dishay madaxii garabka militariga ee Xamaas iyo Ku dhawaad 180 kale.

2014: Israa’iil ayaa qaaday duqeymo xagga cirka ah iyo duqeynta madaafiicda oo burburisay xaafadaha Gaza. In ka badan 2,100 falastiiniyiin ah ayaa la dilay oo u badnaa rayid. Israa’iil ayaa tirada dhimashadeeda ku sheegtay 67 askari iyo lix qof oo rayid ah.

2021: Rabshado kale oo weyn ayaa dhacay kadib markii Israa’iil ay ku hanjabtay in ay qoysaska Falastiiniyiinta ka rari doonto guryahooda oo ku yaalla xaafadda Sheikh Jarrah ee Bariga Quddus – iyo booliiska Israa’iil ayaa xannibaad ku soo rogay Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Israa’iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay marinka Qaza, halkaasoo ay ku dishay in ka badan 250 qof.

2022: Saddex maalmood oo duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah.

2023: Oktoobar 7, Xamaas ayaa weerar ku qaaday Israa’iil, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 1,400 oo qof, in ka badan 200 oo la haystayaal ahna waxay geeyeen Gaza, sida ay sheegayaan tirooyinka Israa’iil.

Israa’iil ayaa ballan qaaday inay burburin doonto Xamaas, iyadoo go’doomin buuxda ku soo rogtay Qaza oo ay duqaymo xagga cirka ah ku garaacayso.

Maamulka caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in in ka badan 8,300 oo qof lagu dilay duqeynta Israa’iil, oo ay ku jiraan in ka badan 3,400 oo carruur ah. Ciidamada Israel oo ay taageerayaan taangiyo ayaa deegaanka falastiiniyiinta weerar dhulka ah ku qaaday.

Dagaalka hadda socda ee dhexmaraya Xamaas iyo Israel ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee labada dhinac dhexmara muddo konton sano ah.

- Advertisement -