(Sawirro) Dayuurad Milateri oo ku burburtay Khartum & Wararkii u dambeeyey dagaalka

Dadka ku nool caasimadda Sudan ee Khartoum ayaa ku soo warramaya inay sii kordheen iska horimaadyada ka socda dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda dalkaasi Axaddii shalay ka dib markii uu dhammaaday heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhexeeyay dhinacyada iska soo horjeeda kaasoo ay garwadeenka ka ahaayeen Sucuudiga iyo Maraykanka.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in diyaarad militari ay ku burburtay magaalada Omdurman, oo kamid ah seddexda magaalo ee ku hareeraysan halka ay ku kulmaan webiga Niil oo ka kooban gobolka weyn ee caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka, kuwaas oo isticmaalayay diyaarado dagaal si ay u beegsadaan Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF) ee ku fiday caasimadda oo dhan iska horimaadka qarxay 15-kii Abriil, oo dhaliyay dhibaato bini’aadanimo oo weyn.

Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa sheegay in ay sii wadayaan maalin walba in ay la xiriiraan wufuud ka kala socota ciidanka iyo RSF, kuwaasoo ku haray Jeddah in kasta oo wadahadallada lagu kordhinayo xabbad joojinta la hakiyay todobaadkii hore.

“Wadahadalladaas ayaa diiradda lagu saaray fududeynta gargaarka bini’aadantinimo iyo in heshiis laga gaaro tillaabooyinka dhow ee ay tahay in dhinacyadu ay qaadaan ka hor inta aysan dib u billaaban wadahadallada Jeddah,” ayay labada dal ku sheegeen hadal ay si wadajir ah u soo saareen.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa bilaabmay May 22 wuxuuna dhacay fiidnimadii Sabtida. Waxay keentay xoogaa hoos u dhac ku yimid dagaalka iyo helitaanka bini’aadantinimo oo xaddidan, laakiin sidii heshiisyadii hore ee xabbad joojinta si isdaba joog ah ayaa loo jebiyay.

Meelaha laga soo sheegay dagaalka maanta waxaa ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Khartoum, iyo Baxri oo dhanka waqooyi kaga beegan wabiga Blue Nile.

“Waxaan ku nool nahay cabsi iyo duqeymo daran, dhawaqa qoryaha lidka diyaaradaha iyo goynta korontada” ayuu yiri goob jooge ku sugan magaaladaas

Marka laga soo tago caasimadda, dagaallo lagu hoobtay ayaa sidoo kale ka qarxay gobolka fog ee galbeedka ee Darfur, oo awalba xudun u ahaa colaado daba dheeraaday iyo caqabado bini’aadantinimo oo waaweyn.

Colaadda mudada todobada toddobaad ah socotay ayaa waxa ay barakicisay ilaa 1.2 milyan oo qof gudaha dalka waxana ay sababtay in 400,000 oo kale ay u qaxaan dalalka deriska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -