Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan deg deg ah la yeeshay Ganacsatada Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Related posts

Dowladii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo soo saareysa talaalka COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magalada Boosaaso

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin la socotay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---