Wasiir dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsado Al-Shabaab

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Aadan Aw Xirsi ayaa si xoogan u dhaliilay duqeymaha dhinaca cirka ah ee ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenya ka fuliyaan degaanada ay joogaan kooxda Al-shabaab.

Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in duqeymaha laga fuliyo deegaanada Al-Shabaab ay dhiiri gelineyso in dad shacab ah oo hor leh ku biiraan Al-Shabaab, ayagoo ka carreysan khasaaraha nafeed iyo burburka loo geysanayo hantidooda.

“Duqaymaha cirka ee aan loo meel-dayin wax weyn uma dhimaan argaggixisada, balse waxay kordhiyaan dadka ku biiraya iyo taageerada ay kooxdaas heleyso” ayuu yiri wasiir Aw Xirsi.

Waxaa uu ku baaqay in Al-shabaab si toos ah loogu weeraro goobaha ay joogaan, lagana saaro taasoo uu sheegay iney tahay mida kaliya ee looga adkaan karo.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kenya ayaa marar badan ka fuliyey koonfurta Somalia duqeymo dad rayid ah khasaare uu ka soo gaaray kaasoo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -