Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dhulgariirka Marooko iyo tirada dhimashada oo gaartay..

Samatabbixiyeyaasha ayaa soo saaray dad ka badbaaday guryo ku dumay tuulooyinka fogfog ee dalka Marooko, ka dib dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhacay in ka badan lixdan sano, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof.

Dhul-gariirkii ka dhacay buuraha High Atlas ee dalka Marooko, ayaa waxyeello u geystay dhismayaal taariikhi ah u geystay goobtaas oo ku taalla gobolka Marrakech halka khasaaraha ugu badanna laga soo sheegayo dhulka buuraleyda ah ee koonfurta.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in 1,037 qof ay ku dhinteen illaa hadda dhulgariirka, 672 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay qiyaastay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka inuu cabirkiisu dhan yahay 6.8 iyadoo xuduntiisu aheyd meel qiyaastii 72 km (45 miles) koonfur-galbeed kaga beegan tahay magaalada Marrakech.

Tuulada Amizmiz ee u dhow goobta xudunta u ah ayaa shaqaalaha gurmadka waxay gacmahoodu ku gureen burburka.

“Markii aan dareemay in dhulku cagahayga hoostiisa gariirayo, gurigana uu ku tiirsan yahay, waxaan u cararay si aan carruurtayda dibadda ugu soo saaro. Laakiin deriskeygu waa ay kari waayeen,” ayuu yiri Maxamed Azaw. “Nasiib darro qoyskaas qof nool lagama helin, aabbihii iyo wiilkiina meydkooda ayaa la helay, waxayna weli raadinayaan hooyada iyo gabadheeda.

Dhulgariirka oo dhacay abaare 11-kii habeenimo. (2200 GMT), ayaa laga dareemay meel fog sida Huelva iyo Jaen ee ku taalla gobolka Andalusia ee koonfurta dalka Spain.

Magaalada Marrakech, oo la xaqiijiyay in 13 qof ay ku dhinteen, dadka deegaanka ayaa xalay ku hoyday meel banaan ah, iyagoo ka baqaya inay guryahooda aadaan.

Muuqaalo laga soo duubay telefishinka dowladda oo laga soo duubay deegaanka Moulay Ibrahim oo 40 km (25 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Marrakech ayaa muujinaya tobanaan guri oo ku dumay meel buur ah oo hoosteeda ah, dadka deegaanka oo qodaya xabaalo, iyadoo kooxo haween ahi ay taagan yihiin wadada.

“Dadka deriska nala ah ayaa ku hoos jira burburka, dadkuna aad ayay uga shaqeynayaan sidii ay u samata bixin lahaayeen iyaga oo adeegsanaya waxyaalihii laga heli karo tuulada,” ayuu yiri.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo arrimo muhiim ah kala hadlay Anna Saleem Högberg (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal xooggan oo ka socda Wadooyinka Kiev

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar & askari ka tirsan AMISOM oo..

Caydiid Ali