Allbanaadir.com
NEWS

Dibad baxyo ka socda magaalada Dhuusomareeb iyo ganacsigii oo inta badan xiran

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa saakay ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo dilal xalay magaaladaasi loogu geestay labo nin oo ganacsato ah oo kasoo jeeday magaalada Cadaado.

Dadka dibad baxa saakay dhigaya ayaa si weyn uga carreysan dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee xalay magaalada Dhuusomareeb loogu geestay labada ganacsade, kuwaa oo loogu tagay laguna dilay goobahooda ganacsi.

Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigaya oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday laamaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan kooxihii dilka ka geestay magaalada Dhuusomareeb si deg deg ahna loo horgeeyo caddaaladda.

Dhinaca kale waxaa saakay xiran inta badan goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Dhuusomareeb, kuwaa oo ka gadoodsan dilka arxan darada ah ee xalay loo geestay labo nin oo kamid ahaa ganacsatada magaalada .

Dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ayaa abuuray dareen carro badan dhaliyay, waxaana dad badan lama filaan ku noqotay in magaalo caasimad ah on dad aan dambi gelin aano qabiil loogu dhax dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kusii jeeda Kismaayo iyo xaalad Cakiran oo…

Cabdi Cade

Mala is dhihi karaa Safarkii Rooble ee Puntland wuxuu soo dadajiyay Shirka Mucaaradka iyo Maamul goboleedyada !!

admin

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo arimo badana soo bandhigay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---