Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo kusii jeeda Kismaayo iyo xaalad Cakiran oo…

Warar aan helnay ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay ku wajahan yihiin wakiilo ka socda beesha Caalamka si ay xal ugu helaan xiisada siyaasadeed iyo xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Wakiilada Beesha Caalamka iyo dowladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ee ku wajahan magaalada Kismaayo waxaa kamid ah Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Xubnahan ku wajahan magaalada Kismaayo ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo mar kale musharax ah iyo sidoo kale Musharaxiinta kale ee Kismaayo jooga.

Doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo oo ah mid hal dhinac ah ayaa laga cabsi qabaa in xiisad ka abuurto magaalada Kismaayo , waxaana horey u guul dareestay dadaalo badan oo xal lagu raadinayay.

Guddiga doorashada uu sameestay Sheekh Axmed Madoobe ayaa soo hormariyay doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha , waxa ayna taasi dhalisay walaac xoogan iyo kalsooni daro.

Musharaxiinta Isbadal doonka ah ayaa kasoo horjeeda sida ay u shaqeenayaan guddiga doorashada uu sameestay Axmed Madoobe, waxa ayna iyaguna musharaxiintan sameesteen guddi kale iyo Xildhibaano kale .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo, waxa ayna horey dowlada u cadeesay hadii ay sidan wax kusii socdaan in aysan aqoonsan doonin natiijada doorashada kasoo baxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -