Duqeyn toos ah oo lala beegsaday Isbitaalka daweynta Kansarka ee Gaza (Daawo)

Ciidamada Israel ayaa duqeyn bareer ah u geystay Isbitaalka daaweynta kansarka ee Turkiga uu maalgeliyo oo ku yaalla Tal al- koonfurta-galbeed ee magaalada Gaza.

Dabaqa saddexaad, oo loogu talagalay daaweynta suuxdinta, waxaa si toos ah u garaacay duqeymaha Israa’iil, kuwaasoo burburiyay darbiyada, daaqadaha, xarkaha taangiyada Ogsajiinta, dhuumaha biyaha iyo xarkaha korontada sida uu sheegay Sobhi Sheik, oo ah agaasimaha Isbitaalka saaxiibtinimada Turkiga iyo Falastiin.

Ma jirin bukaan ama koox caafimaad oo dabaqaas ku sugnaa xiligaas, mana jiro khasaare nafeed oo ka dhashay sida la soo werinayo.

“Dhibku wuxuu dhacay 5:30 galabnimo waqtiga maxalliga ah laakiin tan iyo shalay, agagaaraha isbitaalka waxaa si isdaba joog ah u garaacayay duqeymaha Israel,” ayuu yiri.

Qasa, waxaa jira 10,000 bukaan oo la ildaran cudurka kansar. Isbitaalku waxa uu leeyahay 156 sariirood oo keliya, marka lagu daro 100 sariirood oo la isticmaalo maalin kasta

“Waxaan ka walaacsanahay in isbitaalka mar kale lagu soo dhufto oo bukaannadayada lagu dilo sariirahooda, waxaana ka walaacsanahay shaqaalahayaga, laakiin waxaan sii wadi doonnaa shaqadayada. Tani waa waajib na saaran.” ayuu intaas ku daray agaasimaha.

Israel ayaa digniino u direysay maalmahan isbitaalada ku yaalla Gaza oo la ciirciiraya dhaawacyada shacabka iyo kumanaan qof oo gabaad ka dhigtay, waxayna amar ku bixiyeen in laha baxo isbitaalada iyagoo ku hanjabay iney duqeynayaan.

HOOS KA DAAWO DUQEYNTA ISBITAALKA

U

 

- Advertisement -