Maxkamada G/Banaadir oo ka farxisay muwaadin Soomaaliyeed oo dulmane ahaa

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Qaasim Faarax ku wareejiyay dhulkiisa oo si sharci darro ah looga heystay in muddo ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir mudane Saalax Cali Maxamuud ayaa ku wareejiyey muwaadinkaan dhulkiisa oo in muddo ah ka maqnaa gacantiisa, isaga oo uu sheegay guddoomiyaha in dhulkaan oo ku yaal degmada Hodan ay Maxkamaddu xukuntay.

Qaasim Faarax oo ahaa Muwaadinkii iskalahaa dhulka ay maanta Maxkamadda ku wareejisay ayaa guddoomiyaha Maxkamadda iyo Booliska ugu mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugu wareejiyeen dhulkiisa.

“Muddo badan ayaa nalagu dhibayey, dhibkii naloola geystay waxa aan ugu samreenaa maanta haddii waxaynii gacanta naloo galiyey, dowladda cadaaladda ah oo aad wakiilka ka tihiin aad baan ugu mahadcelineynaa,” ayuu yiri Qaasim oo ah Muwaadinka ay maanta Maxkamadda gobolka Banaadir ku wareejisay dhulkiisa.

- Advertisement -