(Sawirro) Israel oo sheegtay iney howlgal ku soo deysay askariyad looga heystay Gaza

Askari Israeli ah oo lagu magacaabo Ori Megidish ayaa laga sii daayey Gaza sida lagu sheegay war ay si wadajir ah u soo saareen militariga Israa’iil iyo hay’adda amniga gudaha ee ShinBet

Warka ayaa lagu sheegay in askarigan la sii daayay intii lagu guda jiray howlgallada dhulka ee militariga ay ka fuliyeen Gaza.

“Askariga caafimaad ahaan waa la baaray, xaaladdiisu way wanaagsan tahay, waxayna la kulantay qoyskeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Nooca sii daynta Ori Megidish, oo ay Xamaas ku haysteen Gaza tan iyo 7-dii October kuma cadda war-murtiyeedka soo baxay millatariga Israa’iil iyo ShinBet, laakiin Ra’iisal-wasaare Netanyahu ayaa u adeegsaday ereyga la sii daayay si uu u qeexo, taasoo muujinaysa. in tani aysan ahayn sii deyn ikhtiyaari ah oo dhanka Xamaas ah.

Xamaas ayaan weli ka hadlin in askarigan ay sii daayeen iyo in xoog looga furtay.

Netanyahu wuxuu u hambalyeeyey Millatariga Isra’el iyo sirdoonka gudaha e ShinBet, wuxuuna sheegay in dawladu ay weli ka go’an tahay sii deynta dhammaan maxaabiista ku xiran Gaza –

Waxaa uu wajahaya cadaadis uga imaanaya qoysaska maxaabiista, oo qaarkood ay dareemayaan in dowladdu aysan sameynin dedaal ku filan oo lagu sii deynayo maxaabiistan.

- Advertisement -