Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Khartuum (Daawo Sawirada)

Garoonka Diyaaradaha magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan waxaa ka dhacay shil diyaaradeed oo dhaawacyo sababay, waxa uuna shilkan mudo hakad galiyay shaqadii garoonka Diyaaradaha.

Labo kamid ah Diyaaradaha dagaalka dalka Sudan ayaa isku dhacay xili ay ku ordayeen dhabaha diyaaradaha ku ordaan marka ay soo dagayaan ama marka ay garoonka ka duulayaan.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacantay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Khartuum, waxa uuna bur bur xoogan soo gaaray labadii diyaaradood ee isku dhacay.

Shaqadii garoonka Diyaaradaha magaalada Khartuum ayaa  saacado kooban hakad la galiyay, waxaana diyaaradihii garoonkaasi kasoo degi jiray loo weeciyay garoonka diyaaradaha Port Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka Jubbaland oo ku guuleystay Koobka K/Cagta ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Abiy Ahmed oo booqanaya Ankara, lana kulmay Madaxweyne Erdogan (Sawirro)

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaya Dil Nabadoon caan ah loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade