Allbanaadir.com
NEWS

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo lagu dilay Deegaanka Xaaji Cali

Deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socda dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal, waxaana sii kordhaya dilalka foosha xun ee aanooyinka salka ku haya ee ka dhacaya deegaanno hoostaga degmada Cadale.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ku dilay macalin dugsi Qur;aan iyo afar kamid ah ardaydiisa, kuwaa oo jidka loo galay xilli ay guryahooda kusii jeedeen.

Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa warbaahinta u sheegay in dabley hubeysan jidka u galeen macalinka dugsiga iyo xertiisa, kuwaa uu sheegay xilliga la dilayay in ay ka laabteen guri ay subac ku galeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay, waxaana jidka u galay oo dadkan dilay maleeshiyaad hubeysan ” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Tedros Adhanom kaga jawaabay eedeyntii kaga timid dowlada Itoobiya?

Caydiid Ali

Jeer dalka Kenya ku dishay Dalxiise doonayay in uu Sawir ka qaado

Cabdi Cade

Israel oo dhibsatay Telefishinka Aljazeera iyo golaha Wasiirrada oo go’aan ka gaaraya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---