Shirkad dayuuradeed oo balan-qaad aan caadi aheyn u sameysay Macaamiisheeda

Shirkadda dayuuradaha Emirates, oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa noqotay shirkadii ugu horreysay ee sheegtay iney dabooleyso kharashka caafimaad ee ku baxayo rakaabka ku safra diyaaradaheeda ee uu ku dhaca Covid-19.

Emirates kharashka caafimaadka ee ay bixineyso waxay ku sheegtay iney gaareyso ilaa iyo $173,000 oo doolar, iyadoo 14-ka maalmood ee uu qofka karantiilka ku jirana maalintii siineyso €100 Yuuro, inta ay safarka ku jiraan haddii cudurka laga helo.

Maareeyaha shirkadda Emirates, Sheekh Axmed bin Saciid Al Maktuum ayaa sheegay, in Emirates ay isku dayday tallaabbo kasta oo ay ku yareyneyso khatarka macaamiisheeda ay cudurka ku qaadi karaan.

“Waxaan u gudubnay tallaabbada xigta, inaga oo noqonnay shirkadda diyaaradeed ee ugu horreysay ee macaamiisheeda ka bixineyso kharashka daweynta Covid-19 iyo karantiilka la xiriira, inta ay asafarka ku jiraan.” ayuu yiri Maareeyaha.

Uzbekistan oo ah dal ku yaalla bartamaha qaaradda Aasiya, wuxuu ballaanqaday $3,000 oo dollar oo magdhow ah uu siinayo dalxiisayaasha uu ku dhaco cudurka COVID-19 inta ay dalkaasi joogaan.

Cudurka COVID-19 ayaa weli faro kulul ku haya dalal ka tirsan caalamka gaar ahaan meelo ka mid ah Yurub, Maraykanka, Brazil iyo dalal kale inkastoo dalal kalena uu hoos uga dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -