Human Rights Watch oo Maraykanka & xulafadiisa ku eedeysay labo wajiilenimo

Heyadda caalamiga ah ee u dooda xuquuda adaanaha Human Rights Watch ayaa ku eedaysay Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub munaafaqnimo iyo inay ku guuldaraysteen inay cambaareeyaan weerarrada Israel ee Gaza.

Ku xigeenka agaasimaha barnaamijka HRW Tom Porteous ayaa sheegay in kiiska Ukraine, Mareykanka iyo Yurub ay dhaleeceeyeen dambiyada dagaalka ee Ruushka. hase ahaatee reer Galbeedka ay inta badan ka aamusan yihiin dambiyada dagaal ee Israel ay ka geysatay Gaza.

“Aaway baaqyada cad oo aan mugdi ku jirin ee la xiriira Israa’iil inay ixtiraamto xeerarka caalamiga ah ee weerarkeeda Gaza, iska daa xisaabtanka, Aaway cambaareynta cad ee adkeynta naxariis darada ah ee xiritaanka 16-sano ee Gaza taasoo ka dhigan ciqaab wadareed iyo dambi dagaal,” ayuu sii raaciyay.

“Munaafiqnimada iyo labo wajiileynta dawladaha reer galbeedka waa mid cad oo muuqda, hadda ka dibna kama hadli karaan xuquuq aadane iyo wax la mid ah oo ay soo hadal qaadaan kaliya marka ay danahooda ka dhex arkaan.

“Ukraine, Maraykanka iyo dawladaha Yurub waxay si sax ah u taageereen mabaadi’da ilaalinta nolosha waxayna dhaleeceeyeen xadgudubyada cad ee ciidamada Ruushka oo ay ku jiraan weeraro aan kala sooc lahayn, dilal sharci darro ah, goyn koronto iyo biyo, iyo jirdil. Yurub iyo Maraykanku waxay sidoo kale si sax ah u taageereen dadaallada caalamiga ah ee lagu gaarayo caddaaladda dhibanayaasha, 18 bilood ka dib duullaankii Ruushka 7dii Oktoobar  Maraykanka iyo dalalka Yurub waxay si degdeg ah oo sax ah u cambaareeyeen weerarrada arxan darada ah ee Xamaas hormuudka ka tahay ee ka dhanka ahaa Israa’iil ee ay kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ku dileen in ka badan 1,400, Sidoo kale waxay si deg deg ah oo sax ah ugu baaqeen in lala xisaabtamo dadkii ka dambeeyay falkaasi, lana sii daayo dadka la haystayaasha ah. Laakiin Mareykanka iyo Yurub indhaha ayey ka qarsadeen falcelinta arxanka daran, xasuuqa aan kala sooca laheyn iyo godoominta Israel ee Gaza oo u dhiganta ciqaab wadareed iyo dembi dagaal” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay heyadda.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu yiri”-

Muddo sannad iyo bar ah, dawladaha reer galbeedka, dadaalkooda ah in ay u helaan taageerada caalamiga ah ee Ukraine iyo in ay go’doomiyaan Ruushka, waxay si sax ah u hoosta uga xariiqeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta xeerarka lagu maamulayo iska horimaadyada hubaysan ee xaaladda Ukraine. Laakiin hadda dunida inteeda kale waxay arkaysaa falcelin aamusan oo ku aaddan waxyeellada ba’an ee ay u geysatay dadka rayidka ah go’doominta iyo weerarka Israa’iil ee Gaza.

Munaafaqnimada iyo laba wajiilenimada dawladaha reer galbeedka waa mid cad oo muuqata. Waxay halis ugu jiraan inay wiiqaan sannado badan oo shaqo adag ah oo ay qabanayeen kooxaha bini’aadantinimada iyo xuquuqul insaanka, oo ay weheliyaan dawladaha qaarkood, si ay u xoojiyaan una habeeyaan caadooyinka loogu talagalay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah ee lagu qabto iska horimaadyada adduunka.

 

- Advertisement -