Faysal Cali Waraabe: “Xoog iyo xeelad mid ay ahaataba Waa inaan soo celinaa Laascaanod”

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Maamulka iyo shacabka Somaliland ugu baaqay in loo diyaaro garoobo sidii Laascaanood dib loogu celin lahaa gacanta Somaliland xoog iyo xeelad mid ay ahaataba.

Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa xili uu kasoo laabtay safar dibadeed ayuu Faysal Cali Waraabe sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay la hadasho waxgaradka SSC, balse marka hore ciidamada kale ee gurmadka ku yimid laga saaro.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo aaday xili dowlada Soomaaliya ay SSC Khaatumo u aqoonsatay maamul ku meel gaar ah.

“Sharafteenii waa inaynu soo celinaa, ciidanka tayaynaa, oo aynu xuduudaheenii tagnaa, waanu jecelnahay in aanu wada hadal ku dhamayno laakiin waa inay ka baxaan Majidho-land” ayuu yiri Waraabe.

Shacabka gobolka Sool iyo Garaadada ayuu ugu baaqay inay miiska wadahadalka yimaadaan.

“Waxaan leeyahay boqol wado oo aynu ku wadahadalno ayaa inoo caado ahaan jirtay yaan laydin isticmaalin” ayuu Waraabe oo intaas ku daray in la isku barbar wado wadahadalka iyo diyaar garowga Milateri.

 

 

- Advertisement -