(Akhriso) Mucaaradka Puntland oo Deni ku eedeeyey inuu wado abaabul dagaal

Mucaaradka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu abaabul dagaal ka waddo magaalada Garowe, si uu awood ugu maquuniyo cid kasta damaciisa siyaasadeed ka hor timaada

Bayaan kasoo baxay kulan ay yeesheen dallada mucaaradka Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu ka shaqeynayo colaad la mid ah ama ka daran dagaalkii bishii June ka dhacay magaalada Garowe, kaasoo ay ku 30 qof ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Deni inuu dhaqaalihii maamulka u adeegsanayo iska hor keenka bulshada, isla markaana shaqaalaha maamulka iyo dad kale kale lacago lagu siiyay inay baraha bulshada ka jaa’ifeeyaan mucaaradka.

“Waxaan ka digaynaa in ciidanka PMPF ee dowladda Imaaraatku gacanta ku hayso loo adeegsado caburinta shacabka iyo awood maroorsiga.” ayay bayaankooda ku sheegeen mucaaradka.

Deni oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay labo bilood iyo bar ayaa ku adkaysanaya inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah taasoo aan suuragal aheyn, iyadoo mucaaradku sheegayaan inuu doonayo muddo kororsi.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MUCAARADKA

- Advertisement -