Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Jowhar iyo Masuuliyiin waxyeelo kasoo gaartay (Sawirro)

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo kuyaalla magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa inta badan waxaa degnaa masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle, waxaa sidoo kale halkaas ku yaalay maqaayad laga cunteeyo laguna shaaho.

Goobjogayaal ayaa sheegay in mar qura hotelka dhankiisa ku qarxay gaari Dyna oo qarax ka buuxay, waxaana mar qura goobta ka dhacay kala carar iyo sidoo kale waxyeelo soo gaartay dadkii goobta ku sugnaa qaarkood.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen dad ku dhaw 10-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad badan ay ku jiraan wasiiro katirsan maamulka Hirshabelle, sida wasiirka caafimaadka, wasiirka haweenka, Xildhibaano iyo xubno kale.

Muuqaalo laga soo duubay goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay bur bur xoogan oo ka dhashay qaraxa, waxaana goobaha bur buray isugu jiraan hoteelo iyo dhismayaal kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay .

Maamulka Hirshabelle ayaan wali faah faahin rasmi ah ka bixin qaraxan ismiidaaminta ah ee maanta ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana saraakiil katirsan maamulkaasi sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan khasaaraha uu reebay qaraxaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -