DEG DEG: Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirkii amniga, Mid cusubna Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Somalia  ayaa caawa xilkii ka qaaday Wasiirka amniga Xasan Xundubey, isagoo magacaabay mid cusub.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in wasiirka cusub ee amniga loo magacaabay C/llaahi Maxamed Nuur.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

C/llaahi Maxamed Nuur wasiirka cusub ee amniga ayaa ka mid ah xubnaha sida u mucaaradsanaa sanooyinkan Madaxweynaha xiligu ka dhamaaday Farmaajo.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo loolanka dhanka awoodda ah uu ka dhex oogan yahay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -