Guddoomiye hore oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeysan ayaa maanta deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ku dilay nin oday ah oo la sheegay in uu soo noqday guddoomiyihii hore ee degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeysan ay rasaas huwiyeen Maxamuud Sheikh Xasan oo ahaa 75-sanno jir, waxaana marxuumka la sheegay in uu fadhiyay xilliga la dilayay maqaayad kutaalla Darausalaam.

Kooxda hubeysan ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawac u geesteen haweeneydii maqaayada laheyd oo lagu magacaabayay Canab Axmed Cali, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geesatay.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay , waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaanno , lamana sheegin ciidamada in dad usoo qabteen dilka iyo dhaawaca dhacay.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo yaraaday dilalka iyo qaraxyada, waxaana dilkan maanta dhacay imaanayaa xilli xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -