Dowlada Somalia oo dalka ka mamnuucday in la keeno ama laga ganacsado Daawooyinka …

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday in la keeno ama laga ganacsado daawooyinka  cudurka Tb-da ama Qaaxada ay la il daran yihiin dad badan oo kunool Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurka qaaxada uu sii faafayo dhibaato badana ku hayo dadka Soomaaliyeed, waxa ayna xustay in faafinta cudurkan qeyb ka tahay daawooyin aan sax aheyn oo dalka la keeno.

Waxa ay sheegtay Wasiirada in ay soo saareen xeer dalka looga mamnuucayo in la keeno ama laga ganacsado daawada cudurka Tb-da, waxa ayna xustay in daawooyinka aan saxda aheyn ee cudurkan dadka u keenayo dhibaatooyin hor leh.

Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xarumo badan oo dalka kuyaala laga heli karo daawooyinka cudurka Tb-da oo lacag la’aan ah, waxa ayna tilmaantay in 100 xarumood oo dalka kuyaala in si lacag la’aan ah looga heli karo daawooyinkaasi.

”Waxaa dalka kuyaala 100 xarumood oo laga helo karo daawada cudurka Tb-da oo lacag la’aan ah,  ma jirto sabab qofka u tago Farmashiye oo uu daawada kaga gato daawoyinkaas waa lacag la’aan, ” Ayey tiri Wasiirka Caafimaadka.

Cudurka Tb-da ayaa dhibaato xoogan ku haya dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana cudurkan oo kamid ah kuwa faafa mudooyinkii dambe kusoo badanayay qeybo badan oo Soomaaliya kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -