Howlgalka Tababarka Midowga Yurub oo War kasoo saaray Qaraxii Muqdisho

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa ka hadlay Weerar ismiidaamin ah oo shalay Laamiga Warshadaha ee magaalada Muqdisho lagula eegtay kulonyo gaadiid ah ay wateen ciidamo Talyaani ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan ciidankooda kasoo gaarin qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidankooda.

Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin rasaas lagu riday ama ay rideen ciidankooda qaraxa kadib, waxa ayna xuseen in qaraxa uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in weerarkii shalay uusan marnaba baajin doonin waxna u dhimeyn taageerada iyo dadaalada ay ugu jiraan in Soomaaliya gaarto barwaaqo iyo xasilooni.

Kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Talyaaniga ayaa shalay lagu qarxiyay Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad shacab ah kasoo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -