Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Shabaabka Weeraray xarunta Gobolka Banaadir oo la ogaaday iyo Rasaas wali socota

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi wali ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo raga hubeesan ee galay gudaha xarunta.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana qaraxa kaddib rag hubeesan oo xirnaa dareeska ciidanka dowladda xoog ku galeen xarunta gobolka.

Sida aan xogta ku helnay dableyda weerarka ku gashay xarunta gobolka Banaadir ayaa gaaraya ilaa shan dagaalame oo midkood is qarxiyay, waxaana gudaha xarunta galay afar dagaalyahan oo qoryo iyo bambaanooyin ku hubeesnaa.

Ciidamada ammaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa toogtay labo kamid ah afartii nin ee gashay xarunta dowlada Hoose, waxaana wali gudaha xarunta ka dagaalamaya labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Ciidamada booliiska ee sida gaarla ah u tababaran ee Haramcad ayaa galay xarunta maamulka gobolka , waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgal ay weerarka kusoo afjarayana sidoo kale kusoo badbaadinayaan dadka ku sugan gudaha xarunta.

Weerarkan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana jiro ilaa hadda faahfaahin dowladda ka bixisay khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda xarunat dowladda hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilaalo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay weerar ka dhacay xerada Xalane

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalkii ka qarxay Baladweyne iyo sida had xaal yahay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade