Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar u aaday Eritrea iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Al Shabaab ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh u aaday dalka Eritrea sidii loo soo celin lahaa ciidamo badan oo wali dalkaasi ku sugan, kuwaa uu doonayo madaxweynaha im ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Related posts

Aysenur Ezgi oo lagu aasay Turkiga iyo Carada ka dhalatay dilkeeda oo kordhay

Cabdi Cade

Ciidamada Kenya oo Qaraxyo ku bur buriyay Xarumo Shirkada Hurmuud leedahay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---