Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ciidanka Xoogga dalka

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ciidamada xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho

Farmaajo ayaa ku hormaray xarunta wasaaradda Gaashaandhigga oo uu kula kulmay masuuliyiinta Wasaarada iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, isagoo ka dibna u gudbay Xerada Jen. Gordon oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan xooggga dalka.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay cabashada sii kordheysa ee ka imaaneysa ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan difaacyada kuwaasoo qaarkood muddo 4 bilood ah aan helin wax mushaar ah sidoo kalana ay ka cabanayaan in raashinkii laga jartay.

Madaxweynuhu wuxuu ciidanka u sheegay in xuquuqdooda ay heli doonaan, ayna dul-qaataan mudada kooban ee ay socoto dib u habeynta ciidamada, isagoo ugu baaqay iney isku diyaariyaan howlgal culus oo lagu qaadaayo xarumaha Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -