Allbanaadir.com
NEWS

Aysenur Ezgi oo lagu aasay Turkiga iyo Carada ka dhalatay dilkeeda oo kordhay

Gabar Mareykan aheyd balse asal ahaan kasoo jeedday Turkiga oo dhawaan ciidamada Isra’il ku dileen Daanta Galbeed ee dhulka la heysto xilli ay ka qeybgaleysay bannaanax lagu taageerayay xorriyadda Falastin ayaa Sabtidi shalay lagu aasay degmada ay kasoo jeedday oo ku taalla Turkiga.

Kumannaan qof oo Turki ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyadoo dareenka lidka ku ah Isra’il ee Turkiga uu sare u sii kacay, arrintaas oo ka dhalatay colaadda sii baaheysa ee ka jirta mandiqadda Bariga Dhexe.

Aysenur Ezgi Eygi, oo aheyd 26 jir ku nooleyd magaalada Seattle, ayay toogteen ciidamada Isra’il 6-di bishaan September xilli uu socday bannaanbax looga soo horjeeday deegaameynta ay Isra’il ka waddo dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Ayshenur ayaa lagu aasay degmada Didim ee ka mid ah magaalooyinka kulaala badda Eejiyaanka ee u dhaxeysa Turkiga iyo Giriiga. Calanka Turkiga ayaa ku daboolnaa naxashka lagu waday meydkeeda, iyada oo ay dad badan oo qiireysnaa ay ka qeybgaleen bud-dhiggeeda.

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay dilkeeda, kuna baaqay in lagu sameeyo baaritaan, waxaana sidoo kale dilkan cambaareeyay Qaramada Midoobay iyo hay’afdo kale, kuwaa oo wax lagu xumaado ku tilmaamay di;ka Aysenur Ezgi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo ka walaacsan Dib u habeynta lagu sameenayo Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Kenya oo yeelatay Madaxweyne ku-xigeen cusub

Caydiid Ali

Taliska booliiska oo faah faahin ka bixiyay rag lagu toogtay Muqdisho iyo qaraxii saakay

Cabdi Cade