Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo sheegay in uusan jirin urur isgaarsiineed oo la dhisey

Qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay aad ula yaabeen jiritaanka urur isgaarsiineed oo aysan ku jirin shirkadaha bixiya adeegyada taleefoonka iyo Internetka ee dalka.

Hawlwadeeno ka tirsan shirkadahaas ayaa sheegay inaysan maqlin meel lagu aasaasay urur mideeya shirkadaha isgaarsiinta, sababtoo ah urur ay ka maqan yihiin shirkadaha ugu waaweyn dalka, sida , Somtel, Telesom, Golis iyo shirkadihii ka shaqeynayey adeegyada Internetka waa urur aan sheegan karin magaca ururka shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya.

Hawlwadeenada ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in dhaleeceeyaan shirkadahaas, balse ay dhibsanayaan in magacooda ay adeegsadaan dad aan haba yaraatee isgaarsiin ka shaqeynin, una badan shirkado hawlgab noqday ama kuwo aan weli suuqa soo galin oo doonaya inay carqaladeeyaan shirkadaha sida nadiifka ah u shaqeysta, balse waxaa wax aan la aqbali Karin ah in Magaca shirkadaha ay adeegsadaan siyaasiin sheegta magac ganacsato oo xildoon ah.

Shirkadaha Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa inay u kala qeybsamaan qaar u shaqeysta si muuqata iyo qaar ku shaqeysta nidaam aan sharci ahayn oo aan muuqanin, kaas oo ah in shirkadaha waaweyn taleefoonada u yimaada in loo sameysto kaarar lagu xado (call termination) iyo dhanka dibeda in lambarada Soomaaliya laga iibiyo shirkada khamaarka (gambling) iyo haweenka jirkood ka ganacsada (sex), taasi oo ay ka sameeyaan lacag malaayiin doolar ah bishii oo iminka u muuqda in Wasaaraddu ay ka soo saartey sharciyo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -