Allbanaadir.com
NEWS

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

Buuq iyo hadal heyn badan ayaa ka dhalatay soo jeedin katimid senataro katirsan xisbiga talada dalka Kenya haya, kuwaa oo doonaya in muddada xil-heynta madaxweynaha lagu daro labo sanno oo dheeraad ah.

Senetarka Nandi Samson Cherargei oo katirsan xisbiga madaxweynaha Kenya ayaa soo jeediyay in muddo xileedka madaxweynaha oo hadda ah 5-sanno lagu daro labo sanno oo dheeraad ah lagana dhigo 7-sanno.

Waxa uu sheegay senatorka in madaxweyne William Ruto, sannad ku dhaw xilka haya u baahan yahay muddo dheeraad ah in loogu daro, si buu yiri u fuliyo waxna uga qabto ballan-qaadyadii uu sameeyay markii uu ololaha ku jiray.

Soo jeedinta senatarkan ayaa buuq iyo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha Kenya, waxa ayna siyaasiyiinta mucaaradka tilmaameen in soo jeedintan muujinayo sida xisbiga talada Kenya haya u rabaan in muddo kordhin sharci-darro ah u sameestaan.

Shacabka dalka Kenya qaarkood oo aragtiyo ka dhiibtay soo jeedinta muddo kordhinta ayaa qaar badan oo kamid ah kahor-yimaadeen soo jeedintan, halka kuwa kalana taageereen, iyagoo sheegayay in madaxweynaha u baahan yahay waqti ku filan uu kursiga joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Shiinuhu jabsaday computer-ada boqolaal Shirkadood?

Caydiid Ali

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Saameyn Xoogan oo ka dhalatay Duufaanta Pawan ee ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---