Madaxda ugu sareysa dalalka Sacuudiga iyo Iran ayaa yeeshay wadahadal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna ka arrinsadeen dagaalka dhiigga badan ku daadanayo ee u dhaxeeya ururka Xamaas iyo ciidamada Israel.
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan iyo madaxweynaha dalka Iran Ibrahim Raisi, ayaa yeeshay wadahadal dheer oo dhinaca telfoonka ah, waxa ayna si hoose uga wada hadleen xaalada ka taagan Marinka Gaza.
Warbaahinta dalalka Sacuudiga iyo Iran ayaa baahiyay in labada masuul kawada hadleen xaalada ka taagan Gaza iyo sidii xal loogu heli lahaa dadka sida gardarada ah Israel ugu leeneyso duqeymaha.
Bin Salman iyo Ibrahim Raisi ayaa sidoo kale kawada hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro dambiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, iyo sidii gurmad loogu raadin lahaa shacabka dhibaatada kasoo gaartay colaada.
Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza.
Wadahadalkan ay yeesheen Dhaxal sugaha Sacuuduiga iyo Madaxweynaha Iran ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo rasmi ah oo ay yeeshaan, tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com