Faahfaahin: Khasaare xoog leh oo ka dhashay qaraxii ka dhacay Beledweyne (Sawirro)

Ugu yaraan 20 qof oo badankood shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen qarax gaari xamuul loo adeegsaday oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne.

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana la arkayay qiiq madow oo cirka isku shareeray, iyadoo aaga qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo markii hore laga shakiyay ay ciidamada amnigu ku hakiyeen bar kontrol oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako halkaasoo gaarigu ku qarxay

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah qoys degganaa meel u dhow barta Kontrolka ka dib markii uu ku soo dumay gurigooda. Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay kaalimo shidaal iyo goobo ganaacsi oo ku yaalla hareeraha laamiga.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray dhismooyinka ku ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay, oo lagu sheegay meel ay ku yaalaan makhaayado iyo dukaamo ganacsi oo mashquul badan.

Weli ma cadda bartilmaameedka loo waday qaraxan oo ku soo beegmay xili bartamaha Somalia uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab kaasoo ay ku weyday kooxdaas degaano iyo degmooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -