Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday Nabadoon Damiinan jiray Daacish iyo labo nin oo kale (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland qaybteeda magaalada Boosaaso, ayaa maanta xukunno kala duwan oo xabsi ah ku ridday xubno lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Daacish.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa kusoo eedeysay saddexdan xubnood ee lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Daacish fal dambiyeedyo kala duwan, waxaana xubnahan qaarkood qirteen dambiya lagu soo eedeeyay qaarkood.

Nabaddoon Cabdullaahi Shire Maxamuud oo lagu helay in uu marar kala duwan damiintay xubno ka tirsanaa Daacish, ayaa maxkamada ciidamada Puntland ku xukuntay shan sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Salmaan Faarax Maxamed oo ka tirsan Daacish, islamarkaana ahaa qofkii u danbeeyay oo uu damiinto nabaddoon Cabdullaahi Shire ayaa isna lagu xukunay 15 sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Maxamed Axmed Maxamuud oo isna lagu helay kamid ahaanshaha kooxda argagixisada Daacish ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, waxa ayna maxkamadda sheegtay in xukunsanayaasha ay qaadan karaan racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho Natiijada kasoo baxeysa inta badan lasii ogyahay oo maanta Kismaayo ka dhaceysa

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddiga amniga doorashooyinka Qaranka

Caydiid Ali

Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof iyo abaal-marin muhiim ah oo la siiyay!

Cabdi Cade