Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Ilhan Cumar oo kawada hadlay arrimo muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu tagtay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen labada masuul sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, waxa uuna Xamse ka dalbaday Ilhan in kala shaqeyso Mareykanka sidii uu Soomaaliya u caawin lahaa.

Ilhan Omar oo asal ahana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa marar badan dowladda ay katirsan tahay ee Mareykanka ugu baaqday in ay taageerto dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayna Ilhan booqasho ku tagtay magaalooyin kuyaalla Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ay la socdeen in ka badan 140-ruux oo ku dhacday Wabi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Muxuu Taliye Asad ku soo arkay degaanka Ceelasha biyaha?

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Wasiirka Axmed Cawad oo la kulmay Amiir Shiikh Sabah Al Ahmad 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---