Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Iran oo sii deysay Muwaadiniin Mareykan ah, kuna bedelatay..

Shan muwaadin oo Maraykan ah ayaa ka tagay Iran waxayna ka degeen magaalada Doha Isniintii wuxuuna dhaafsaday mareykanka sii deynta maxaabiistaas $6 bilyan oo doolar oo aheyd lacag Iran ka xaniban.

“Maanta, shan qof oo Maraykan ah oo aan waxba galabsan oo ku xirnaa Iran ayaa ugu dambeyntii ku soo laabanaya dalkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo hadal soo saaray wax yar ka hor inta aysan maxaabiista Mareykanka ah ka soo degin diyaaradda Qatar si ay u qaabilaan diblomaasiyiin Mareykan ah.

Dhinaca kale, TV-ga Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa sheegay in shanta nin ee Iran u dhashay ee uu Maraykanku gacanta ku hayey, laguna soo oogay dambiyo la sii daayey, taasoo u muuqata in cafis loo fidiyey. Labo ayaa gaaray magaalada Doha, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka iyo Iran.

“Tani waxay ahayd kaliya fal bini’aadantinimo,” ayuu yiri madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ka dib markii uu New York u yimid shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay. “Xaqiiqdii waxay noqon kartaa tallaabo ku salaysan mustaqbalka in la qaadi karo tallaabooyin kale oo bini’aadantinimo.” ayuu intaas ku daray.

Ma cadda in wax-is-weydaarsigu uu horumar ka keeni karo arrimo badan oo kala qaybinaya labada waddan, oo ay ku jiraan barnaamijka Nukliyeerka Iran, taageerada ay siiso maleeshiyada shiicada ah ee gobolka, joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Khaliijka iyo cunaqabataynta Maraykanka ee Iran.

Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran oo xumaa in ka badan 40 sano, ayaa si gaar ah u qaraaraa tan iyo markii madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump 2018 uu ka noqday heshiis lagu xakameynayo barnaamijka Nukliyeerka Iran uuna dib ugu soo rogay cunaqabataynta Maraykanka.

“Isdhaafsiga maxaabiistu waxay u badan tahay inay u gogol xaarto diblumaasiyad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo rajada laga qabo in dhab ahaantii heshiis la gaaro ay aad u fog tahay,” ayuu yiri Henry Rome oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow.

Related posts

Qaraxyo lagu gubay gaadiid milateri oo ka dhacay gudaha dalka Kenya

Caydiid Ali

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo noqday halyeey gacanta ku dhigay arin halis ah !!

admin

Guddoomiyaha Aqalka Sare & wufuud kale oo Garowe gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali