Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay magaalada Camaara

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada huwanta ah ayaa dhowr jiho ka weeraray magaalada Camaara oo hadda aheyd xarunta ugu weyn ee kooxda Al Shabaab ka joogeen gobolka Mudug, kaddib markii maalin kahor laga saaray magaalada Bacaadweyn.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo qeyb ka ah howlgalka lagu xureeyay magaalada Camaara ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka galeen magaalada lana wareegeen.

Waxa uu sheegay wasiirka in magaalada laga saaray gacanta kooxda Al Shabaab oo sannado badan maamuleysay, waxa uuna xusay in ciidamada hadda wadaan howlgalo baaritaanno ah ayna ku daba jiraan Shabaabkii magaalada laga saaray.

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kale ee la socda ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay uga soo horjeedaan Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaanno muhiim ah oo Al Shabaab kaga sugnaayeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan AMISOM oo lagu qarxiyay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Duuliye Asli Calansida oo ka sheekeysay taariikhda halgankii gobanimo doonka Soomaaliyed

Caydiid Ali

Gaadiid lagu xiray qalab ka hortagaya qaraxyada oo loogu deeqay dowlada Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali