Xiisad ka taagan degmada Balcad & Xoogaga Al-Shabaab oo qabsaday degaano ku dhow

Al-shabaab ayaa la wareegtay maanta tuullooyin ka tirsan degmad Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo magaalada Balcad laga dareemayo xiisad kacsan.

Tuullooyinka  ay la wareegeen Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Dhagaxow, Yaaqle, Bukay-dheere iyo degaanada la xiriira.

Waxaasi isaga baxay tuulooyinkaas maleeshiyo degaanka ah oo taageersan maamulka degmada Balcad ee Hirshabealle.

Tuulooyinka oo saaran webiga Shabelle ayaa la sheegay in dadka ku nool ay Alshabaab isugu keeneen fagaarayaal ay kula hadleen iyadoo uga digay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada taabacsan.

Alshabaab ayaa maxaabiis ku xirnaa tuullooyinka ay qabsadeen sii daayey, waxayna dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan degaanada ay maanta la wareegeen oo qaarkood degmada Balcad u jira masaafo ka yar 15km.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Balcad ayaa heegan la geliyey, iyagoo difaacyo ka sameystay agagaarka degmadaas si ay uga hor tagaan alshabaab hadiiba ay isku dayaan iney soo weeraraan degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -