Cabdikariin Qalbi-dhagax oo booqanaya labo ka mid ah dowlad goboleedyada Somalia

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Xubnaha Ururka ONLF ayaa shaaciyay in uusan imaan doonin Magaalada Muqdisho, sababtuna ay tahay in uusan dooneyn inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qalbi Dhagax ayaa hadda ku sugan Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaana uu sheegay inuu dhawaan booqan doono Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.

“Safarkeygan Hargeysa kaddib waxaan rabaa inaan booqdo Boosaaso oo ka tirsan Puntland, halkaasoo aan kula kulmi doono madaxda maamulka, sidoo kalena waxaan booqanayaa maamulka Galmudug,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

C/kariin Qalbi- Dhagax ayaa sheegay in uusan qorshaha safarkiisa ugu jirin inuu tago magaalada Muqdisho ,oo uu sheegay in ay tahay goobii Itoobiya looga dhiibay .

“Muqdisho waxaa ku sugan shacab i dareensiiyay wanaagga ay ii hayaan, waxayna ahayd inaan booqdo oo aan la kulmo, balse ma doonayo inaan wax kulan ah la yeesho qolyaha maamulka haya,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

C/kariin Qalbi-dhagax ayaa waxaa dowladda Itoobiya ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii laga soo qabtay Magaalada Gaalkacyo, waxaana xabsiga ka sii daayay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahemd, oo la yimid isbedelo waaweyn oo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -