Sarkaal lagu dilay magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada Somalia ayaa goor dhow lagu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney G/sare Maxamed Cabdulle ku dileen Suuq yare ku yaalla agagaarka halka loo yaqaano Haanta dheer oo ku taalla degmada Dayniile xili uu ku sugnaa goob hilibka lagu iibiyo sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu lahaa ilaalo u gaar ah balse uu kaga soo tegay hoygiisa oo aan halkaas ka fogeyn taasoo fududeysay dilkiisa.

Kooxdii ka dambeysay dilka G/sare Maxamed Cabdulle oo la sheegay iney saddex nin ka koobnaayeen ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee 48 saacadood gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, habeen hore ayeyna aheyd markii xaafada Siigaale ee degmada Hodan lagu dilay nin dhalinyaro ah oo gudoomiye laameed ka ahaa degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -