Qeylo-dhaan ka soo yeertay kunkii dhalinyaro ee gobolka Banaadir uu shaqo abuurka u sameeyey

Kun dhalinyaro ah oo sanadkii hore Madaxda dowlada Somalia shaaciyeen in loo sameynayo shaqo abuur ayaa ka cabanaya mushahar la’aan soo wajahday sadexdii bilood ee la soo dhaafay.

Dhalinyaradan oo la shaqeeya Maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa sheegaya in mushahar la siiyo ay ugu dambeysay labo bilood ka hor, iyadoo haatana ay gebogebo tahay bishii saddexaad.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey u shaaciyey in kunka dhalinyarada ah ee shaqo abuurka loo sameeyey qofkiiba la siin doono bil kasta $150 dollar.

“Waxay noo sheegeen in qof walba mushaharkiisa loogu soo dirayo Akonkiisa bil walba balse nasiib daro dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey waxba ma heyno,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey oo allbanaadir.com la hadlay.

Mashruuca kunka dhalinyarada ah shaqo abuurka loogu sameeyey ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub isagoo socday tan iyo bishii Novembar ee sanadkii hore, waxaana markii hore la qorsheeyey inuu socdo muddo lix bilood ah hase ahaatee dib ayaa loo cusbooneysiiyey.

Dhalinyaradan ayaa ka codsaday madaxda dowlada iney arrintooda soo fara geliyaan, lana siiyo mushaharka yar ee loo qoray iyagoo xusay in qaarkood ay ku shaqeeyaan duruufo aad u adag.

Maamulka gobolka Banaadir oo u xilsaaran dhalinyaradan ayaan illaa hadda ka hadlin sababta muddo 3 bilood ah loo siin waayey mushaharkooda.

Dhowaan ayey aheyd markii raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre uu amar ku siiyey maamulka gobolka Banaadir in kunkii hore ee dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey ay ku daraan kun kale, hase ahaatee waxaa la isweydiinayaa halka mushahar looga keenayo kuwa cusub, maadaama mushahar loo la’ yahay kuwii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -