Al Shabaab oo shaacisay tirada dadka ay ku dileen Weerarka wali ka socda Nairobi

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa galabta weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen dhismo weyn oo kuyaala magaalada Nairobi gaar ahaan Hotel dhismahaasi ku dhax yaala oo lagu magacaabo Dusit.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wali rasaas ka dhax socoto dhismaha hotelka ay ku jiraan dagaalyahano hubeesan, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya inta badan la wareegeen dhismaha Hotelka.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada weerar isugu jiray qaraxyada iyo midka tooska ah, waxa ayna Shabaab war kooban ay caawa soo saareen ku sheegeen in weerarka uu wali socdo kuna dileen dad gaaraya 47-qof.

“Dhimashada ka dhalatay weerarka ka socda magaalada Nairobi  waa 47 qof, meydad badan ayaa daadsan halka weerarku ka socdo wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dowlada Kenya ayaa wali shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan galabta bilowday ee ilaa caawa ka socda magaalada Nairobi, waxaana Warbaahinta Kenya sheegeen in dhimashada ay mareyso ilaa 5-qof iyo dhaawacyo intaas ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -