Khilaafkii Axmed Madoobe Itoobiya oo la xaliyey iyo dal arrintaas ka shaqeeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay, kaddib isku daygii Ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtana Agosto 2019.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyeen isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya

Waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howlgalada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa Magaalada Addis Ababa caawa waxaa marti qaad ugu sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee Barwaaqo Mudane Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyada Mudane Axmed Shide iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar.

- Advertisement -