Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) G/Banaadir oo daahfuray diiwaan galin casri ah oo lagu sameynayo..

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa la shiray maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 9 ka September 2023 dhamaan madaxda guddiyada qeybaha kala duwan ee suuqyada waawayn ee ku yaala magaalada Muqdisho iyaga oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Galambi.

Kulankan ayaa hadafkiisu ahaa daah – furka diiwaan galin casriyeysan (digital registration) oo lagu sameynayo dhamaan ganacsatada ka howhl gasho Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Guure ayaa ka soo qeyb galayaashii shirkan la wadaagay ahmiyadda ay leedahay hirgalinta howshaan isaga oo tibaaxay in diiwaan galintan looga dan leedahay in ay abuurto jawi kor u qaadayo daahfurnaanta canshuur – aruuneed, islamarkaana dabar – goynayo musuq – maasuqa.

Sidoo kale fulinta diiwaan galintan waxa ay xoojinaysaa xiriirka wadashayn ee u dhaxeeya ganacsatada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Gaba – gabadii kulankan ayaa ku xigeenka Duqa magaalada, Mudane Ciise Maxamuud Guure waxa uu madaxdii Madasha shirka joogtay ku dhiiri – galiyey in ay la shaqeeyaan howl wadeennada   diiwaan – galintan casriga ah (digital registration) taas oo bilaaban doonta todobaadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Itoobiya oo Magaalooyin istaraatiiji ah kala wareegay kooxda TPLF

Caydiid Ali

Dayax Gacmeed ciladoobay oo Maalmaha soo socda dhulka ku soo dhacaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo fariin kale u diray Madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade