(Sawirro) Axmed Karaash oo shirweyne ka furay Magaalada Garowe

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed Osman Karaash  ayaa daah-furay Shir weynaha 1-aad ee Taya-dhowrka Puntland.

Shirka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo heli lahaa adeega Taya-dhowrka  badeecadaha oo gaaraan dhammaan goobaha dalka wax kasoo galaan.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyiinta iyo Hay’addaha Caalamiga ee kulanka soo qaban qaabiyey.

Waxaa uu xusay muhiimada ay leedahay in feejignaan dheeri ah loo yeesho tayada badeecadaha kala duwan ee dalka soo gelaya iyo kuwa dalka gudihiidaba ka imaanaya.

- Advertisement -