Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Masaajid oo caan ahaa oo lagu dilay magaalada Kfar Kara iyo baaritaano socda

Kooxo hubeysan oon heybtooda la garan ayaa toogasho ku dilay Sheekh Sami Abed al-Latif oo ka tirsanaa culimada iyo imaamyada Masjidka Quba, oo kuyaalla magaalada Kfar Kara ee dhulka xoogga ay ku heestaan IsraĆ­l.

Imaamka ayaa la sheegay in la toogtay isaga oo goob waddo ah socday, waxaana toogashada kaddib horey usii baxsaday dadkii ka dambeeyay oon wali heybtooda la garan sida booliiska IsraĆ­l sheegeen.

Ciidamo booliis ah oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay sameenayaan baaritaano, waxa ayna saraakiisha ciidamada tilmaameen in lasoo qabanayo lana ciqaabayo kuwii dilka geestay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo 24-saac gudihiisa ka dhaca magaalada Kfar Kara, waxaana saacado kahor magaaladaasi loogu dilay labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaa oo la toogtay xilli ay gaari wateen.

Magaaladan ayaa la sheegay in ay ka jiraan dilal abaabulan oo loo geesanayo dadka Carabta kasoo jeeda ee halkaasi kunool, muddo sannad ah ayaa la sheegay in magaaladan lagu dilay dad ka badanĀ  100-qof oo kasoo jeeda qowmiyada Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo dheeri ah oo loo soo dirayo howlgalka AMISOM ee Somalia

Caydiid Ali

Xaaji Xasan Shiino oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee ka furmaya Asmara

Caydiid Ali
Taboola Ads ---