Xukun ka farxiyey Trump oo ka soo baxay Maxkamad ku taalla Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa lagu waayey dambigii ahaa kiiska musuqmaasuqa doorashada ee goblka Georgia, tan oo meesha ka saaraysa inuu ka soo muuqdo maxkamadda toddobaadka soo socda.

Donald Trump ayaa ka mid ah 19 qof oo lagu eedeeyay inay maleegeen beenabuur ku saabsan natiijadii codbixinta ee 2020-ka ee gobolka Georgia ee Mareykanka.

Waxa uu iska dhiibay xabsiga Fulton County ee Atlanta usbuucii hore,halkaas oo laga qaaday sawirkiisa.

Trump ayaa marar badan iska fogeeyay inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo ku tilmaamay kiiska mid siyaasadeysan.

Dukumeenti maxkamadeed oo la gudbiyay Khamiistii, ayuu Trump ku sheegay inuu “si buuxda u fahmay” nooca eedeymaha iyo xaqa uu u leeyahay inuu ka soo muuqdo maxkamadda.

“Aniga oo fahmaya xuquuqdeyda, waxaan si xor ah oo iskay ah uga tanaasulayaa xaqa aan u leeyahay in aan goobjoog ka ahaado dacwaddeyda eedda iyo xaqa aan u leeyahay in la igu akhriyo maxkamad furan,” dukumeentiga saxiixan ayey sidaasi ku qornayd.

Donald Trump, oo hadda ah ninka ugu cadcad musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee 2024, ayaa ka soo muuqday mid kasta oo ka mid ah saddexdii dacwadood ee hore.

 

- Advertisement -